Baraarujin

 Waa tix yar oo bararujin ah

Waxay lamagac baxdey

#Dadkeygow diyaar garrow#


Daleydeyda maansada

Daaha aan ka qaadee 

Dardaran aan isiiyee

Dulka maqalka dhagaha iyo

Ii amaahiya dareenka


Dadku wey hayameen

Daruurahay kusocdaan

Dunidii is dhaaftee

Somaalaay darxumadaan

Dib udhacan joogtada ah

Waa diciifnimo Weynee 

Dadaal aan sameynee

Dadkeygow diyaar garrow 


Darrajaa lais dheerahay

Dadku ay isgeeyeen

Dunidaan socdaalka ah 

Doonteeda raacnee

Dadaal aan sameynee 

Dadkeygow diyaar garrow


Daruusaha iyo tacliintaa

Dadaal iyo aqoontaa

Dadku ay kukala tagteene 

Dar illaahey cilmi iyo

Dardar galin aqooneed 

Waa door muhiimee 

Dadaal aan sameynee

Dadkeygow diyaar garrow


Dowladnimada waa muhim 

Waa dowga guushee 

Waa astaanta qarankee

Musuqaan an deynee

Dacad aan ahaanee 

Dadkeygow diyaar garrow


Mhdsanidiin 

By :shukraan Abdi nuur weyd

Comments

Popular posts from this blog

10 faaido uu saliga nabaiga ﷺuu leeyahay